Suuradda Yaasiin oo Af-Soomaali ku Tarjumaadda

Suuradda Yaasiin oo af-Soomaali ku tarjuntay waxay leedahay saamayn ruuxi iyo shucuureed oo badan nolosha aadanaha. Waa cutubka 36-aad ee qur’aanka kariimka ah, waxaana laga helay Juzka 22-aad iyo 23-aad ee qur’aanka kariimka ah. Suuradda Yaasiin waxay bixinaysaa hanuun iyo xikmad xooggan. Akhrinta tarjumaaddeeda waxay ka caawisaa Muslimiinta inay si fiican u fahmaan farriinteeda, kordhinta aqoonta iyo ka dhigista waxbarashadeeda mid macno badan leh. Waxa kale oo ay bixisaa casharro akhlaaq iyo anshaxeed oo caddayn u keena nolol maalmeedka.

83-ka aayadood ee suuradda Yaasiin waxay keeni karaan xasilooni maskaxeed, gaar ahaan xilliyada walaaca. Marka lagu akhriyo Carabiga waxay keenaysaa abaal-marin ruuxi ah, fahamka macnaha buuxa ee tarjumaada waxay u oggolaanaysaa xiriir qoto dheer. Suuratu Yaasiin waxa ay ku baxdaa in ka badan 95 luqadood, taas oo ka dhigaysa mid ay heli karaan dadka adduunka oo dhan. Qof kasta oo Muslim ah waxaa lagu dhiirigelinayaa inuu akhriyo tarjumaada buuxda ugu yaraan hal mar si uu si buuxda u fahmo farriinteeda. Way u fududahay akhristayaasha inay ku akhriyaan suuradda Yaasiin online ama soo dejiyaan suuradda Yaasiin Soomaali PDF oo dhan oo ay ku kaydiyaan aaladahooda si ay dhaqso ugu galaan—xitaa iyada oo aan lahayn xidhiidh internet.

Dhageyso Surah Yaasiin Somali Audio

Akhri Surah Yaseen oo dhamaystiran iyadoo leh Tarjumaad Somali online

36.1

يسٓ

(Waxay ku tusin mucjisada Quraanka).ا

Tafseer

Tafseer

36.0

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.ا

Tafseer

Tafseer

36.3

إِنَّكَ لَمِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ

Nabiyoow waxaad ka mid tahay kuwa la diray (Rasuulada).ا

Tafseer

Tafseer

36.2

وَٱلۡقُرۡءَانِ ٱلۡحَكِيمِ

Quraanka xigmada leh yaan ku dhaartaye.ا

Tafseer

Tafseer

36.5

تَنزِيلَ ٱلۡعَزِيزِ ٱلرَّحِيمِ

Quraankuna waa soo dajinta Eebaha adkaada ee naxariista,ا

Tafseer

Tafseer

36.4

عَلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ

Jid toosanna waad ku sugan tahay.ا

Tafseer

Tafseer

36.7

لَقَدۡ حَقَّ ٱلۡقَوۡلُ عَلَىٰٓ أَكۡثَرِهِمۡ فَهُمۡ لَا يُؤۡمِنُونَ

Dhab ahaanna waxaa ugu waajibay badankoodo (ciqaab) mana rumeeyaan xaqa.ا

Tafseer

Tafseer

36.6

لِتُنذِرَ قَوۡمٗا مَّآ أُنذِرَ ءَابَآؤُهُمۡ فَهُمۡ غَٰفِلُونَ

inaad ugu digto qoom aan loo digin Aabayaalkood oo halmaansan.ا

Tafseer

Tafseer

36.9

وَجَعَلۡنَا مِنۢ بَيۡنِ أَيۡدِيهِمۡ سَدّٗا وَمِنۡ خَلۡفِهِمۡ سَدّٗا فَأَغۡشَيۡنَٰهُمۡ فَهُمۡ لَا يُبۡصِرُونَ

Waxaana yeelay hortooda jidaar gadaashoodana jidaar waana indha tiray waxna ma arkaan.ا

Tafseer

Tafseer

36.8

إِنَّا جَعَلۡنَا فِيٓ أَعۡنَٰقِهِمۡ أَغۡلَٰلٗا فَهِيَ إِلَى ٱلۡأَذۡقَانِ فَهُم مُّقۡمَحُونَ

Annagaa yeelay cunahooda Bir waxayna qaban tan iyo gadhka Madaxayna kor u taagi (dhibaato darteed).ا

Tafseer

Tafseer

36.11

إِنَّمَا تُنذِرُ مَنِ ٱتَّبَعَ ٱلذِّكۡرَ وَخَشِيَ ٱلرَّحۡمَٰنَ بِٱلۡغَيۡبِۖ فَبَشِّرۡهُ بِمَغۡفِرَةٖ وَأَجۡرٖ كَرِيمٍ

Waxaad un u digi (ooy anfici digidu) Ruxii raaca Quraanka oo Eebe ka yaaba isagoon arkayn, uguna bishaaree dambi dhaaf iyo ajiir wanaagsan.ا

Tafseer

Tafseer

36.10

وَسَوَآءٌ عَلَيۡهِمۡ ءَأَنذَرۡتَهُمۡ أَمۡ لَمۡ تُنذِرۡهُمۡ لَا يُؤۡمِنُونَ

waxaa isku mid ah hadaad u digto iyo hadaadan udigin (marna) ma rumeeyaan.ا

Tafseer

Tafseer

36.13

وَٱضۡرِبۡ لَهُم مَّثَلًا أَصۡحَٰبَ ٱلۡقَرۡيَةِ إِذۡ جَآءَهَا ٱلۡمُرۡسَلُونَ

Uga yeel tusaale asaxaabtii magaaladii markay uyimaadeen Rasuulladii (loo soo diray).ا

Tafseer

Tafseer

36.12

إِنَّا نَحۡنُ نُحۡيِ ٱلۡمَوۡتَىٰ وَنَكۡتُبُ مَا قَدَّمُواْ وَءَاثَٰرَهُمۡۚ وَكُلَّ شَيۡءٍ أَحۡصَيۡنَٰهُ فِيٓ إِمَامٖ مُّبِينٖ

Annaagaa nooleyna wixii dhintay, waana qornaa waxay hor marsadeen iyo raaadkoodiiba, wax walbana waxaan ku koobnay Kitaab muuqda.ا

Tafseer

Tafseer

36.15

قَالُواْ مَآ أَنتُمۡ إِلَّا بَشَرٞ مِّثۡلُنَا وَمَآ أَنزَلَ ٱلرَّحۡمَٰنُ مِن شَيۡءٍ إِنۡ أَنتُمۡ إِلَّا تَكۡذِبُونَ

Waxayna dhaheen (gaaladii) idinku ma tihidiin waxaan bashar (dad) nala mid ah ahayn, Eebaha Raxamaan ahna waxba ma soo dajinin, idinkuna waxaan been ahayn masheegaysaan.ا

Tafseer

Tafseer

36.14

إِذۡ أَرۡسَلۡنَآ إِلَيۡهِمُ ٱثۡنَيۡنِ فَكَذَّبُوهُمَا فَعَزَّزۡنَا بِثَالِثٖ فَقَالُوٓاْ إِنَّآ إِلَيۡكُم مُّرۡسَلُونَ

Markaan u diray xagooda labo, ooy beeniyeen, markaas aan ku xoojinay mid saddexaad, oy dhaheen idinkaa naloo kiin soo diray.ا

Tafseer

Tafseer

36.17

وَمَا عَلَيۡنَآ إِلَّا ٱلۡبَلَٰغُ ٱلۡمُبِينُ

Korkannagana ma aha waxaan gaadhsiin cad ahayn.ا

Tafseer

Tafseer

36.16

قَالُواْ رَبُّنَا يَعۡلَمُ إِنَّآ إِلَيۡكُمۡ لَمُرۡسَلُونَ

waxay dhaheen (Rasuuladii) Eebahannaa og in naloo kiin soodiray.ا

Tafseer

Tafseer

36.19

قَالُواْ طَـٰٓئِرُكُم مَّعَكُمۡ أَئِن ذُكِّرۡتُمۚ بَلۡ أَنتُمۡ قَوۡمٞ مُّسۡرِفُونَ

Waxay dhaheen Rasuulladii baaskiinu wuu idinla joogi, haddii laydin waaniyo (Miyubaasku idinlajiri) waxaadse tihiin qoon xadgudbay,ا

Tafseer

Tafseer

36.18

قَالُوٓاْ إِنَّا تَطَيَّرۡنَا بِكُمۡۖ لَئِن لَّمۡ تَنتَهُواْ لَنَرۡجُمَنَّكُمۡ وَلَيَمَسَّنَّكُم مِّنَّا عَذَابٌ أَلِيمٞ

Waxay dhaheen (gaaladii) waan idin baasaysannay, haddaydaan joogin waan idin dhagaxyeynaynaa, waxaana xagganaga idinka taahan cadaab daran.ا

Tafseer

Tafseer

36.21

ٱتَّبِعُواْ مَن لَّا يَسۡـَٔلُكُمۡ أَجۡرٗا وَهُم مُّهۡتَدُونَ

Raaca cid aan idin warsanayn ujuuro, oo hanuunsan.ا

Tafseer

Tafseer

36.20

وَجَآءَ مِنۡ أَقۡصَا ٱلۡمَدِينَةِ رَجُلٞ يَسۡعَىٰ قَالَ يَٰقَوۡمِ ٱتَّبِعُواْ ٱلۡمُرۡسَلِينَ

Waxaa ka yimid Magaalada dhankeeda fog nin dagdagi (ordi) wuxuuna ku yidhi qoomkayow raaca rasuullada.ا

Tafseer

Tafseer

36.23

أَأَتَّخِذُ مِنْ دُونِهِ آلِهَةً إِنْ يُرِدْنِ الرَّحْمَٰنُ بِضُرٍّ لَا تُغْنِ عَنِّي شَفَاعَتُهُمْ شَيْئًا وَلَا يُنْقِذُونِ

Miyaan ka yeelan wax ka soo hadhay ilaahyo hadduu Eebaha Raxmaan ah dhib ila doono ayan wax iitareyn shafeecadoodu waxba, ayana i korinayn.ا

Tafseer

Tafseer

36.22

وَمَا لِيَ لَآ أَعۡبُدُ ٱلَّذِي فَطَرَنِي وَإِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ

Maxaana u caabudaynin Eebihii i abuuray xagiisana laydiin celin.ا

Tafseer

Tafseer

36.25

إِنِّي آمَنْتُ بِرَبِّكُمْ فَاسْمَعُونِ

Anigu waxaan rumeyay Eebehiin ee maqla.ا

Tafseer

Tafseer

36.24

إِنِّي إِذًا لَفِي ضَلَالٍ مُبِينٍ

Markaas waxaan ku sugnaan baadi muuqata (cad).ا

Tafseer

Tafseer

36.27

بِمَا غَفَرَ لِي رَبِّي وَجَعَلَنِي مِنَ الْمُكْرَمِينَ

Waxa Eebe iigu dambi dhaafay iigana yeelay kuwo la karaameeyey.ا

Tafseer

Tafseer

36.26

قِيلَ ادْخُلِ الْجَنَّةَ ۖ قَالَ يَا لَيْتَ قَوْمِي يَعْلَمُونَ

Waxaa lagu yidhi gal jannada wuxuuna yidhi shallaytadaydee qoomkaygii muu ogaado.ا

Tafseer

Tafseer

36.29

إِنْ كَانَتْ إِلَّا صَيْحَةً وَاحِدَةً فَإِذَا هُمْ خَامِدُونَ

Waxaan qaylo Kaliya ahayna laguma halaagin oo markaas ay bakhtiyeen (halaagsameen).ا

Tafseer

Tafseer

36.28

وَمَا أَنْزَلْنَا عَلَىٰ قَوْمِهِ مِنْ بَعْدِهِ مِنْ جُنْدٍ مِنَ السَّمَاءِ وَمَا كُنَّا مُنْزِلِينَ

Kuma aanaan dajinin qoomkiisii gadaashiis Januud samad ka timid, mana aanaan ku soo dajinin.ا

Tafseer

Tafseer

36.31

أَلَمْ يَرَوْا كَمْ أَهْلَكْنَا قَبْلَهُمْ مِنَ الْقُرُونِ أَنَّهُمْ إِلَيْهِمْ لَا يَرْجِعُونَ

Miyayna arkeyn intaan halaagnay hortood quruumo, aan xagooda usoo noqonayn.ا

Tafseer

Tafseer

36.30

يَا حَسْرَةً عَلَى الْعِبَادِ ۚ مَا يَأْتِيهِمْ مِنْ رَسُولٍ إِلَّا كَانُوا بِهِ يَسْتَهْزِئُونَ

Nidaamo (Qoomamo) yaa u sugmaatay addomada Rasuulkii u yimaadaba waxay ahaadaan kuwo ku jees jeesa.ا

Tafseer

Tafseer

36.33

وَآيَةٌ لَهُمُ الْأَرْضُ الْمَيْتَةُ أَحْيَيْنَاهَا وَأَخْرَجْنَا مِنْهَا حَبًّا فَمِنْهُ يَأْكُلُونَ

Waxaa calaamo u ah dhulka dhinta (abaarooba) oo noolayno kana soo bixino midho ay wax ka cunaan.ا

Tafseer

Tafseer

36.32

وَإِنْ كُلٌّ لَمَّا جَمِيعٌ لَدَيْنَا مُحْضَرُونَ

Dhammaanna waxaa lagu soo kulmin agtannada.ا

Tafseer

Tafseer

36.35

لِيَأْكُلُوا مِنْ ثَمَرِهِ وَمَا عَمِلَتْهُ أَيْدِيهِمْ ۖ أَفَلَا يَشْكُرُونَ

Si ay u cunaan midhihiisa iyo waxay camal faleen gaemahoodu, miyeyna mahdinaynin Eebe.ا

Tafseer

Tafseer

36.34

وَجَعَلْنَا فِيهَا جَنَّاتٍ مِنْ نَخِيلٍ وَأَعْنَابٍ وَفَجَّرْنَا فِيهَا مِنَ الْعُيُونِ

Waxaana yeellay dhexdeeda beero Timir iyo Cinabyo ah, waxaana ka dillaacinay dhexdeeda ilo (Biyo ah).ا

Tafseer

Tafseer

36.37

وَآيَةٌ لَهُمُ اللَّيْلُ نَسْلَخُ مِنْهُ النَّهَارَ فَإِذَا هُمْ مُظْلِمُونَ

Waxaaa dadka calaamo ugu filan habeenkaan Maalinta ka soo siibno, oo markaas ay mugdi galaan Dadkii.ا

Tafseer

Tafseer

36.36

سُبْحَانَ الَّذِي خَلَقَ الْأَزْوَاجَ كُلَّهَا مِمَّا تُنْبِتُ الْأَرْضُ وَمِنْ أَنْفُسِهِمْ وَمِمَّا لَا يَعْلَمُونَ

Waxaana nasahana Eebaha abuuray nooeyada dhamaanteed oo ah waxa dhulka soo dhaliyo iyo naftoodaba iyo wax ayna ogayn.ا

Tafseer

Tafseer

36.39

وَالْقَمَرَ قَدَّرْنَاهُ مَنَازِلَ حَتَّىٰ عَادَ كَالْعُرْجُونِ الْقَدِيمِ

Dayaxana waxaan uqadaray (uyeelay) meelo uu ku hoydo intuu ka noqdo sida laan gabowday oo kale.ا

Tafseer

Tafseer

36.38

وَالشَّمْسُ تَجْرِي لِمُسْتَقَرٍّ لَهَا ۚ ذَٰلِكَ تَقْدِيرُ الْعَزِيزِ الْعَلِيمِ

Qorraxduna waxay kuorodaa meelay leedahay, taasina waa qadaraadda Eebaha adkaada ee waxwalba og.ا

Tafseer

Tafseer

36.41

وَآيَةٌ لَهُمْ أَنَّا حَمَلْنَا ذُرِّيَّتَهُمْ فِي الْفُلْكِ الْمَشْحُونِ

Waxaa calaamo ugu filan dadka inaan ku xambaaray aabaylkood Doontii buuxday.ا

Tafseer

Tafseer

36.40

لَا الشَّمْسُ يَنْبَغِي لَهَا أَنْ تُدْرِكَ الْقَمَرَ وَلَا اللَّيْلُ سَابِقُ النَّهَارِ ۚ وَكُلٌّ فِي فَلَكٍ يَسْبَحُونَ

Qorraxdana uma suurowdo inay haleesho Dayaxa Habeenkana uma suuroowdo inuu maalinta ka hormaro, mid kastana falagiisuu dhex dabaalan.ا

Tafseer

Tafseer

36.43

وَإِنْ نَشَأْ نُغْرِقْهُمْ فَلَا صَرِيخَ لَهُمْ وَلَا هُمْ يُنْقَذُونَ

Hadaan doonana waan maansheynaa wax u gargaarana mahelaan lamana koriyo.ا

Tafseer

Tafseer

36.42

وَخَلَقْنَا لَهُمْ مِنْ مِثْلِهِ مَا يَرْكَبُونَ

Waxaana uga abuuraynaa iyada oo kale waxay Koraan.ا

Tafseer

Tafseer

36.45

وَإِذَا قِيلَ لَهُمُ اتَّقُوا مَا بَيْنَ أَيْدِيكُمْ وَمَا خَلْفَكُمْ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ

Markaa gaalada lagu dhaho ka dhowrsada waxa hortiina ah iyo waxa gadaashiina ah waxaad udhawdihiin in laydiin naxariistee (ma maqlaan).ا

Tafseer

Tafseer

36.44

إِلَّا رَحْمَةً مِنَّا وَمَتَاعًا إِلَىٰ حِينٍ

Naxariis Eebe iyo uraaxayn tan iyo wakhti mooyee.ا

Tafseer

Tafseer

36.47

وَإِذَا قِيلَ لَهُمْ أَنْفِقُوا مِمَّا رَزَقَكُمُ اللَّهُ قَالَ الَّذِينَ كَفَرُوا لِلَّذِينَ آمَنُوا أَنُطْعِمُ مَنْ لَوْ يَشَاءُ اللَّهُ أَطْعَمَهُ إِنْ أَنْتُمْ إِلَّا فِي ضَلَالٍ مُبِينٍ

Marka lagu dhaho bixiya waxa Eebe idinku arzuqay wax ka mid ah waxay ku dhahaan kuwa gaaloobay kuwii rumeeyay ma waxaan quudinaynaa cid hadduu doono Eebe uu quudin lahaa, waxaan baadi cad ahayna kuma sugnidin.ا

Tafseer

Tafseer

36.46

وَمَا تَأْتِيهِمْ مِنْ آيَةٍ مِنْ آيَاتِ رَبِّهِمْ إِلَّا كَانُوا عَنْهَا مُعْرِضِينَ

Aayad kasta oo u timaada oo ka mid ah aayaadka Eebahood way ka jeedsadaan.ا

Tafseer

Tafseer

36.49

مَا يَنْظُرُونَ إِلَّا صَيْحَةً وَاحِدَةً تَأْخُذُهُمْ وَهُمْ يَخِصِّمُونَ

Ma sugaayaan (gaaladu) hal qaylo mooyee oo qabanaysa iyagoo doodi.ا

Tafseer

Tafseer

36.48

وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا الْوَعْدُ إِنْ كُنْتُمْ صَادِقِينَ

Waxay odhan gaaladu waa goorma (waqtiguu dhici) yaboohaas (Qiyaamadu) hadaad run sheegaysaan.ا

Tafseer

Tafseer

36.51

وَنُفِخَ فِي الصُّورِ فَإِذَا هُمْ مِنَ الْأَجْدَاثِ إِلَىٰ رَبِّهِمْ يَنْسِلُونَ

Suurkaa la afuufi markaasaa dadku qubuurahooda xagga Eebahood uga soo dagdagi.ا

Tafseer

Tafseer

36.50

فَلَا يَسْتَطِيعُونَ تَوْصِيَةً وَلَا إِلَىٰ أَهْلِهِمْ يَرْجِعُونَ

Mana karaan dardaaran ehelkoodiina uma soo noqdaan.ا

Tafseer

Tafseer

36.53

إِنْ كَانَتْ إِلَّا صَيْحَةً وَاحِدَةً فَإِذَا هُمْ جَمِيعٌ لَدَيْنَا مُحْضَرُونَ

Waxaan qayki kaliyo ahayn ma aha, maarkaasaa dhamaantood agtanada lagu soo kulmin.ا

Tafseer

Tafseer

36.52

قَالُوا يَا وَيْلَنَا مَنْ بَعَثَنَا مِنْ مَرْقَدِنَا ۜ ۗ هَٰذَا مَا وَعَدَ الرَّحْمَٰنُ وَصَدَقَ الْمُرْسَلُونَ

Iyagooy dhihi gaaladu waan khasaarnaye yaa naga soobixiyey meeshaan jiifnay (qabrigii) taasina waa wixii Eebaha Raxmaan ah yaboohay Rasuulladuna ku run sheegeen.ا

Tafseer

Tafseer

36.55

إِنَّ أَصْحَابَ الْجَنَّةِ الْيَوْمَ فِي شُغُلٍ فَاكِهُونَ

Asaxaabta Jannada (ehelkeeda) Maantaa waxay ku shuqloonyihiin Nicmo iyo farax.ا

Tafseer

Tafseer

36.54

فَالْيَوْمَ لَا تُظْلَمُ نَفْسٌ شَيْئًا وَلَا تُجْزَوْنَ إِلَّا مَا كُنْتُمْ تَعْمَلُونَ

Maantana (qiyaamada) lagama dulmiyo nafna waxba, laydiin kana abaalmarin maayo waxaad camal falayseen mooyeen.ا

Tafseer

Tafseer

36.57

لَهُمْ فِيهَا فَاكِهَةٌ وَلَهُمْ مَا يَدَّعُونَ

Waxayna dhexdeeda ka heli faakihad, waxayna heli waxay dalbaan.ا

Tafseer

Tafseer

36.56

هُمْ وَأَزْوَاجُهُمْ فِي ظِلَالٍ عَلَى الْأَرَائِكِ مُتَّكِئُونَ

Iyaga iyo haweenkooduba waxay ku sugnaan hadh, waxayna ku dangiigsanaan sariiro (sare).ا

Tafseer

Tafseer

36.59

وَامْتَازُوا الْيَوْمَ أَيُّهَا الْمُجْرِمُونَ

Soocma maanta danbiilayaalyahow (gaalada).ا

Tafseer

Tafseer

36.58

سَلَامٌ قَوْلًا مِنْ رَبٍّ رَحِيمٍ

salaan Eebaha Naxariista xagiisa ka timidna way heli.ا

Tafseer

Tafseer

36.61

وَأَنِ اعْبُدُونِي ۚ هَٰذَا صِرَاطٌ مُسْتَقِيمٌ

Ood ani i caabudaan, taasina waa wadada toosan.ا

Tafseer

Tafseer

36.60

أَلَمْ أَعْهَدْ إِلَيْكُمْ يَا بَنِي آدَمَ أَنْ لَا تَعْبُدُوا الشَّيْطَانَ ۖ إِنَّهُ لَكُمْ عَدُوٌّ مُبِينٌ

Miyaanan idinkula ballamin Bani aadamow inaydaan caabudin Dhaydaan, illen col muuqda yuu idiin yahay.ا

Tafseer

Tafseer

36.63

هَٰذِهِ جَهَنَّمُ الَّتِي كُنْتُمْ تُوعَدُونَ

Tanina waa jahannamadii laydiinku yaboohay.ا

Tafseer

Tafseer

36.62

وَلَقَدْ أَضَلَّ مِنْكُمْ جِبِلًّا كَثِيرًا ۖ أَفَلَمْ تَكُونُوا تَعْقِلُونَ

Dhab ahaan wuxuu udhumiyay (Shaydaan) xaggiina dad badan, miyaydaan wax kasaynin.ا

Tafseer

Tafseer

36.65

الْيَوْمَ نَخْتِمُ عَلَىٰ أَفْوَاهِهِمْ وَتُكَلِّمُنَا أَيْدِيهِمْ وَتَشْهَدُ أَرْجُلُهُمْ بِمَا كَانُوا يَكْسِبُونَ

Maanta waxan daboolaynaa afkooda, waxaana nala hadli gacmahooda waxaana ku marag furi lugahooda waxay kasban jireen..ا

Tafseer

Tafseer

36.64

اصْلَوْهَا الْيَوْمَ بِمَا كُنْتُمْ تَكْفُرُونَ

Ee gala Maanta gaalimadinii darteed.ا

Tafseer

Tafseer

36.67

وَلَوْ نَشَاءُ لَمَسَخْنَاهُمْ عَلَىٰ مَكَانَتِهِمْ فَمَا اسْتَطَاعُوا مُضِيًّا وَلَا يَرْجِعُونَ

Hadaan doonana waan doorinaynaa, mana karayaan tagid iyo soo noqosho midna.ا

Tafseer

Tafseer

36.66

وَلَوْ نَشَاءُ لَطَمَسْنَا عَلَىٰ أَعْيُنِهِمْ فَاسْتَبَقُوا الصِّرَاطَ فَأَنَّىٰ يُبْصِرُونَ

Haddaan doono waan indha tiraynaa oo markaas ay udag dagaan wadada, sayse u arki.ا

Tafseer

Tafseer

36.69

وَمَا عَلَّمْنَاهُ الشِّعْرَ وَمَا يَنْبَغِي لَهُ ۚ إِنْ هُوَ إِلَّا ذِكْرٌ وَقُرْآنٌ مُبِينٌ

Maanaan barin Nabiga shicirka, Kumana haboona, waxaan (barna) un waano iyo Quraan cad.ا

Tafseer

Tafseer

36.68

وَمَنْ نُعَمِّرْهُ نُنَكِّسْهُ فِي الْخَلْقِ ۖ أَفَلَا يَعْقِلُونَ

Ruuxaan cimri siinno waxaannu ku gadin abuuridda (waannu tabar yarayn) ee miyaydaan wax kasayn.ا

Tafseer

Tafseer

36.71

أَوَلَمْ يَرَوْا أَنَّا خَلَقْنَا لَهُمْ مِمَّا عَمِلَتْ أَيْدِينَا أَنْعَامًا فَهُمْ لَهَا مَالِكُونَ

Miyeyna arkaynin inaan uga abuuray waxaan sameynay xoolo ay hantaan.ا

Tafseer

Tafseer

36.70

لِيُنْذِرَ مَنْ كَانَ حَيًّا وَيَحِقَّ الْقَوْلُ عَلَى الْكَافِرِينَ

Si uu ugu digo ruuxii nool (xaqa raaci) cadaabna ugu sugnaado Gaalada.ا

Tafseer

Tafseer

36.73

وَلَهُمْ فِيهَا مَنَافِعُ وَمَشَارِبُ ۖ أَفَلَا يَشْكُرُونَ

Waxaana ugu sugan manfacado iyo cabid ee miyayna mahdinaynin Eebe.ا

Tafseer

Tafseer

36.72

وَذَلَّلْنَاهَا لَهُمْ فَمِنْهَا رَكُوبُهُمْ وَمِنْهَا يَأْكُلُونَ

OOn u laylinay, ooy waxna ka Koraan waxna ku cunaan.ا

Tafseer

Tafseer

36.75

لَا يَسْتَطِيعُونَ نَصْرَهُمْ وَهُمْ لَهُمْ جُنْدٌ مُحْضَرُونَ

Mana karaan gargaarkooda waxayna uyihiin Junuud (askar) kulmisan.ا

Tafseer

Tafseer

36.74

وَاتَّخَذُوا مِنْ دُونِ اللَّهِ آلِهَةً لَعَلَّهُمْ يُنْصَرُونَ

Waxay ka yeesheen Eebe ka soke ilaahyaal inay u gargaaraan.ا

Tafseer

Tafseer

36.77

أَوَلَمْ يَرَ الْإِنْسَانُ أَنَّا خَلَقْنَاهُ مِنْ نُطْفَةٍ فَإِذَا هُوَ خَصِيمٌ مُبِينٌ

Miyuusan arag dadku (oo ogayn) Inaan ka abuuray dhibic, markaas uu noqday dood badane cad.ا

Tafseer

Tafseer

36.76

فَلَا يَحْزُنْكَ قَوْلُهُمْ ۘ إِنَّا نَعْلَمُ مَا يُسِرُّونَ وَمَا يُعْلِنُونَ

Ee yeyna ku walbahaar galinin hadalkoodu annagaa og qaxay qarsan iyo waxay muujinbee.ا

Tafseer

Tafseer

36.79

قُلْ يُحْيِيهَا الَّذِي أَنْشَأَهَا أَوَّلَ مَرَّةٍ ۖ وَهُوَ بِكُلِّ خَلْقٍ عَلِيمٌ

Waxaad dhahdaa waxaa noolayn Eebihii ahaysiiyay markii horaba, abuur walbana waa ogyahay.ا

Tafseer

Tafseer

36.78

وَضَرَبَ لَنَا مَثَلًا وَنَسِيَ خَلْقَهُ ۖ قَالَ مَنْ يُحْيِي الْعِظَامَ وَهِيَ رَمِيمٌ

Wuxuuna noo yeelay tusaale wuuna halmaamay abuurkiisa wuxuuna yidhi yaa noolayn lafo baaliyoobay.ا

Tafseer

Tafseer

36.81

أَوَلَيْسَ الَّذِي خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ بِقَادِرٍ عَلَىٰ أَنْ يَخْلُقَ مِثْلَهُمْ ۚ بَلَىٰ وَهُوَ الْخَلَّاقُ الْعَلِيمُ

Eebaha abuuray Samooyinka iyo dhulka miyuusan karin inuu abuuro isagoo kale, waa karaa, waana abuur badane ogaansho badan.ا

Tafseer

Tafseer

36.80

الَّذِي جَعَلَ لَكُمْ مِنَ الشَّجَرِ الْأَخْضَرِ نَارًا فَإِذَا أَنْتُمْ مِنْهُ تُوقِدُونَ

Eebaha idiinka yeelay geedka cagaaran dab, oo markaas aad bursataan.ا

Tafseer

Tafseer

36.83

فَسُبۡحَٰنَ ٱلَّذِي بِيَدِهِۦ مَلَكُوتُ كُلِّ شَيۡءٖ وَإِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ

Waxaa nasahan (xumaan ka fog) Eebaha awooddiisu ku jirto xukunka wax kasta, xaggiisana laydiinsoo celin.ا

Tafseer

Tafseer

36.82

إِنَّمَا أَمْرُهُ إِذَا أَرَادَ شَيْئًا أَنْ يَقُولَ لَهُ كُنْ فَيَكُونُ

Amarka Eebena markuu wax inuu abuuro doono waa inuu ku yidhaahdo uun ahaw oo uu ahaado.ا

Tafseer

Tafseer

Suuradda Yaasiin oo kooban:

Surah Yaseen waxaa lagu tilmaamaa ‘Qalbiga Quraanka.’ Waxaa marar badan la dhahaa ‘Yaseen’ sidoo kale waa magaca Nebi Muhammad (PBUH). Waxay ka kooban tahay 83 aayadood, waana cutubka 36aad ee Quraanka. Waxay leedahay 807 erey iyo 3,028 xaraf. Waxay ka kooban tahay 5 rukuu (qaybo). Waxay qayb ka tahay Juzka 22aad waxayna sii socotaa Juzka 23aad. Waxaa la soo dajiyay Makkah, sidaas darteedna waxaa loo yaqaan Surah Makki, waxayna xoogga saartaa qodobada muhiimka ah ee soo socda:

1. Xaqiijinta Nabinimada:

Suuradu waxay ku bilaabantay inay caddayso xaqiiqada risaalada uu Nebi Muxamed (SCW) keenay. Waxay ku nuuxnuuxsatay inuu yahay Rasuul Alle soo diray si uu dadka u hanuuniyo.

2. Calaamadaha Alle:

Suuradduna waxay iftiimisay calaamadaha lagu garto jiritaanka Alle iyo awoodda uu ku leeyahay abuurista. Waxay sheegaysaa is-beddelka habeenka iyo maalinta, koritaanka dhirta, iyo yaababka koonka, iyada oo ku dhiirigelinaysa dadka inay ka fekeraan calaamadahaas caddaynta weynaanta Alle.

3. Diidmada Fariinta:

 Waxay ka hadlaysaa madax adayga kuwa beeniya fariinta. In kasta oo calaamooyin cad iyo mucjisooyin la tusay, qaar badani waxay sii wadaan inay diidaan runta, taasoo u horseedaysa ciqaabtooda lama huraanka ah.

4. Tusaalooyinka Ummadihii hore:

Suuraddu waxay ka warramaysaa qisooyinkii bulshooyinkii hore ee diiday nebiyadoodii oo ay la kulmeen halaag aawadood. Tani waxay digniin u noqonaysaa kuwa beeniya xaqa.

5. Qiyaame iyo Aakhiro.

Suuratu Yaasiin waxay ka hadlaysaa xaqiiqada qiyaame iyo nolosha dhimashada ka dib. Waxay ku nuuxnuuxsatay in dhammaan aadanaha la soo sara kicin doono maalinta qiyaame, halkaas oo lagula xisaabtami doono falkooda.

6. Naxariista Rabbaaniga ah:

Suuradduna waxay u xaqiijinaysaa Mu’miniinta naxariista Eebe iyo abaal-marin kuwa qaata farriinta. Waxay muujinaysaa farqiga u dhexeeya aayaha kuwa xaqa ah iyo kuwa gaalada ah, iyadoo xoogga saaraysa in mu’miniintu ay ku waari doonaan jannada.

7. Wac si aad u milicsato:

Suuradu waxay ku dhammaatay inay dadka ku baraarujiso noloshooda, calaamooyinka Alle ee ku xeeran, iyo xaqiiqada ugu dambaysa ee qiyaame iyo xisaabtanka.